Dhagayso: Maamulka Koonfur Galbeed oo Ka Horyimid Go’aankii DFS ee Khilaafka Khaliijka

19 Sept 2017 (Puntlandes) War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegey in maamulkaasi uu taageerayo go’aankii xulufada Sacuudiga ay xiriirka ugu jareen dalka Qadar, bishii June.

War-saxaafadeedka, ayaa lagu sheegey in Sacuudiga iyo Imaaradka Carabta uu xiriir soo jireen Soomaaliya kala dhaxeeyo oo ay ka mid yihiin dhaqanka iyo ganacsiga.

29d2

Waxa uu maamulku sheegey in maaddama ay waqti ka soo wareegatay xilligaasi, ay ka Koonfur Galbeed ahaan aysan heysan dookh kale oo aan aheyn inay Imaaradka iyo Sacuudiga ku taageeraan dagaalkooda ka dhanka ah xagjirnimada nooc kaste oo ay tahayba, islamarkaasina ay go’aankii arrintaasi ka gaaren ay ku taageerayaan.

Dhagayso waraysi VOA


Puntlandes.com

About The Author