Daawo sawiro: Xildhibaanada Garabka Raysul Wasaaraha oo kulmay go’aamana soo saaray

Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee kasoo horjeeda mooshinka laga keenay xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay.

Kulanka oo looga hadlay xaaladda dalka iyo saamaynta uu mooshinku ku yeeshay guud ahaan hay’addaha dowladda waxaa markii uu soo gabagaboobay laga soo saaray war murtiyeed afar qodob ka koobnaa.

Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibrahim ayaa Saxaafadda u akhriyey qodobadaas oo u qornaa sidan:

  1. In xaaladda siyaasadeed ee dalku tahay mid cakiran sababna u yahay mooshinka Xukuumadda laga keenay.
  2. In Xukuumadda howshii ay haysay ee loo idmaday ay dardar galiso, lagana dhaafo faro gelinta.
  3. Baarlamaanka waxaa horyaalla kalfadhigga 5aad shaqo culus oo ah in la meel mariyo hindise sharciyeedyo, lana dhiso guddigii madaxa banaanaa ee lagu xaqiijin lahaa hiigsiga 2016, taas oo lagu gaari karo wada shaqayn iyo isfaham dhex mara Xukuumadda iyo Baarlamaanka.
  4. Ugu danbeyn, halku dhiggeenu waa bad-baadinta Qaranka, ilaalinta Dastuurka KMG ah iyo himillada ummada xaqiijintooda.

Qoraalka xildhibaanada mooshinka kasoo horjeedaa soo saareen oo laga fahmi karo inay fariin u dirayaan Garabka kale ee mooshinka keenay wuxuu kusoo aadayaa iyadoo Baarlamaanku laba Garab u kala jabay
888

887

886

889

890

891

892

Puntlandes.com

About The Author