Malayshiyo Galmudug ah oo Gaari jidka u galay dadba ku laayey, aaway heshiiskii Gaas?
20 Sept 2017 (Puntlandes) Goor dhaw ayaa waxay malayshiyo kasoo jeeda dhabka Galmudug waxay jidka u galeen Gaari rakaab ah oo u socday dhanka magaalada Gaalkacyo, iyagoo dadna ku dilay kuwana ku dhaawacay.
Malayshiyada Galmudug ayaa gaariga ku dilay 3 nin, halka ay dhaawac culus u gaysteen gsbar.
Sadexda nin ee la dilay ayaa labo waxay ahaayeen wiil iyo aabihiis oo kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud/Maxemed Cumar, halka ninka kale uu yahay beesha Awrtable.
Gaariga ayaa marayey markii Galmudug weerartay Godod iyo Gacmafale dhexdooda, wuxuuna ka yimid Balibusle isagoo u socday magaalada Gaalkacyo.
Waqtiyadii u dambeeyey ayaa waxaa socday shirar loogu magac daray nabadayn oo ay xukuumadda Gaas garwadeen ka ahayd, kuwaasoo ah “hal bacaad lagu lisay”, maadaama aysan Galmudug nabadgelinayn shacabka gobolka Mudug.
Nabad MAAWEELO ah ayaad moodaa inay wadaan maamulka uu madaxda ka yahay Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Puntlandes.com