War deg dega: Hoobiyayaal sida Roobka ugu da’ay agagaarka Villa Somalia

Hoobiyayaal ayaa Caawa sida Roobka ugu da’aya agagaarka Villa Somalia. Lama garanayo in ay ku dhaceen gudaha Villa Somalia iyo in ay qasaare gaysteen oo dad shacab ah wax ku noqdeen. Waxaa la xaqiijiyey in Hoobiyayaal farabadan laga maqlayey agagaarka Villa Somalia. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda in uu faraha ka baxay iyadoo ay sabab u tahay DFS oo laba Garab u kala jabtay kuwaasoo iyagu isku mashquulsan meeshii ay ka wada shaqay lahaayeen danaha dalka iyo dadka ay mas’uuliyiinta u yihiin.

Waxaa isna weerarkan ka hadlay Afhayeenka howlgalada Al-shabaab, Sheekh Cabdicasiis Abuu-Muscab isagoo Reuters u sheegay inay madaafiic ku weerareen xarunta madaxtooyada Somalia, balse ma jirto wax faahfaahin oo intaas ka badan oo uu bixiyay.Sh. Abuu-Muscab ayaa yiri “Madaxtooyada Soomaaliya waxaan la beegsannay hoobiyeyaal, kuwaasoo ku dhacay gudaha xarunta. Wixii faahfaahin ah oo dheeraad ahna dib ayaan kasoo sheegaynaa,”Sh. Abuu-Muscab ayaa hadalkiisa ku daray “Sababta aan u beegsannay madaxtooyada Somalia waa inay tahay xarunta ay ku sugan yihiin madaxda dowladda, sidoo kalena ay joogaan saraakiisha dowladda oo dhan,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka Al-shabaab.

Dhinaca kale, afhayeenka DFS, Ridwaan Xaaji C/weli oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan jirin wax madaafiic ah oo kusoo dhacay gudaha madaxtooyada.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author