Akhriso Maamulka Galmudug oo isku Qilaafsan Go’aanka Khaliijka.
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in aanan lagala tashan warqadii ka soo baxday Madaxtooyada Galmudug ee uu ku saxiixnaa Madaxweyne Xaaf.
Qoraal ay si wadajir ah ay u soo saareen ayaa waxay ku sheegeen in Galmudug ay ku mowqif tahay dowladda Dhexe, ayna taageerayaan dhex dhexaadnimadii ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.
Maamulka Galmudug ayaa isku khilaafsan taageerida Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyadoo aan la ogeyn saameynta ka dhalan doonta xiisadan siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka Khaliijka, oo maamulada Soomaaliya ay ku kala aragti duwan yihiin.
Halkan hoose ka akhriso qoraal ay si wadajir u soo saareen Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Puntlandes.com