Daawo Video-Dhagayso: Khilaafka maamulka Galmudug ee khilaafka Khaliijka & DFS oo cirka isku shareeray

21 Sept 2017 (Puntlandes) Qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu taageeray Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka iyadoo looga soo horjeestay go’aankii DFS ay ku sheegtay dhexdhexaadnimada.

29d7

Hadaba maanta ayaa waxaa shir jaraa’id ku qabtay Cadaado Kusimaha Madaxweynaha Galmudug ahna Madaxweyne ku Xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye ku Xigeenka labaad Maxamed Sheekh Axmed, iyagoo qadacay go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Galmudug ee uu ku taageeray isbahaysiga Sucuudiga.

Daawo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug & G Barlamanka oo kasoo horjeestay Go’aankii Madaxweynaha Galmudug


Hlkana ka dhagayso Madaxweyne ku Xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo weliba Guddoomiye ku xigeenka labaad oo si wada jira shir jaraa’id u qabtay


Halkana ka dhagayso madaxweyne Xaaf oo eedeeyey inay DFS madaxdeedu ka dambeeyaan khilaafka


Puntlandes.com

About The Author