Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka horyimid go’aankii ay DFS ka qaadatay khilaafka Khaliijka ee ay dhexdhexaadnimada ku sheegtay

23 Sept 2017 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hor yimid go’aankii Dhax Dhaxaadka ay sheegtay dowlada Federaalka Soomaaliya ee Xiisada Khaliijka.

30

Sheekh Shariif ayaa sheegay go’aankii dowlada Federaalka ka qaadatay Xiisada Khaliijka in uu yahay mid lagu deg degay oo aan wadatashi laga sameyn, waxa uuna ugu baaqay Madaxda dowlada in ay dib u eegis ku sameeyaan go’aankii hore.

Qoraal uu barta Facebooka soo dhigay Sheekh Shariif ayaa u muuqda mid uu ku taageerayo Dowladaha Sacuudiga Imaarataka iyo kuwa kale oo xariirka u jaray dowlada Qadar, waxa uuna Shariif sheegay in aan dalka Qadar aan looga go’i karin wadamada Sacuudiga iyo Imaaraatka.

Halkan ka Akhriso Qoraalka uu Sheekh Shariif soo dhigay bartiisa Facebook.

ASC WALAALAYAAL

Go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka waxa uu iila muuqdaa mid lagu degdegay oo aan ka tarjumayn masaaliixda dalkeenna, waxaana shaki ku jirin in dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn oo aan la leenahay xiriir qoto dheer oo dhan siyaasadeed iyo mid ganacsiba leh aan loo burburin karin kaliya dowladda Qadar oo aan ognahay heerka ay ka taagan tahay taageerada dalkeenna.

Waxaan madaxda dowladda kula talinayaa iney dib u eegis ku sameeyaan go’aankooda, islamarkaana ay wadatashiyo kala yeeshaan Golayaasha qaranka iyo maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee dalka, ayna ilaaliyaan danaha istiraatiijiga ee aan la wadaagno dowladahaas.

MAHADSANIDIIN

Puntlandes.com

About The Author