Daawo Video: Madaxweyne Xaaf oo xilkii ay ka qaadeen Xildhibaano maamulka Galmudug (Warsaxaafadeed)

26 Sept (Puntlandes) Madaxweynahii maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xilka loo doortay 3dii May 2017 ayaa maanta waxa xilka ka qaaday Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka maamulkaas.

29d4

Mr Xaaf ayaa waxa xilka ka xayuubiyey 52 xildhibaan halka 2 diiday 1 na ka aamusan, iyadoo ay fadhiga joogeen 55 Xildhibaan.

Kullanka xilka looga qaaday madaxweyne Xaaf ayaa waxaana gudoominayn Gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa, waxayna Xildhibaanadu sida ay sheegeen iska dhex doorteen Gudoomiye KMG ah maadaama Gudoonkii Barlaamnku uu Xabsi guri yahay.

Madaxweyne Xaaf ayaa noqonaya madaxweynihii labaad oo ay xilka ka qaadaan Xildhibaanada Galmudug mudadii yarayd ee uu jiray maamulkaasi.

Daawo muuqaalka

30a8c
Puntlandes.com

About The Author