DEG DEG: Wasiiro la sheegay in ay ugu baaqeen inuu is casilo Ra’iisul Wasaaraha

Warar soo gaaraya Puntlandes.com ayaa sheegaya in ay 14-Wasiiro oo ka tirsan DFS ay ugu baaqeen inuu is casilo, Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed iyagoo ku sababeeyey markii uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha, kaasoo saameyn ku yeeshay fadhiyadii Baarlamaanka

 

Warqad ay u qoreen Wasiiradan Ra’iisul Wasaaraha waxayna ka codsadeen inuu is casilo,, iyadoo la sheegayo inay muddo 24-saac ay siiyeen,

Wasiiradan oo uu gadaal ka riixayo Madaxweyne Xasan Culusoow ka dib markii uu ku fashilmay Mooshinkii ayaa u soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha inuu qaato taladooda, maadaama ugu badnaan wasiiradan ay isku raaceen. Waxayna ugu hanjabeen haddii uu ka dhaga adaygo in uu iscasilo in ay iyagu is casili doonaan halkaasna uu ku dhicidoona.

.

 Magacyada Wasiirada ee u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha inuu is casilo ayaa ah sidatan:

1-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Bare
2-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
3-Wasiirka Maalliyadda Xuseen Cabdi Xalane
4-Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
5-Wasiirka Macdanta Daa’uud Maxamed Cumar
6-Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Khaalid Cumar Cali
7-Wasiirka Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle
8-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
9-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Luqmaan Sheekh Ismaaciil
10-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow)
11-Wasiirka Qorsheynta Saciid C/laahi Maxamed
12-Wasiirka Beeraha Cabdi Axmed Baafe
13- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Mudane Maxamed Coloow Baroow
14-Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Nadiifo Maxamed Cusmaan

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa taageersan Garab ka mid ah Golaha Wasiirada iya´doo ay laba Garab kala noqdeen halka uu isna Baarlamaanku laba Garab noqday.Lama oga sida ay wax noqondoonaan

 

Puntlandes.com

About The Author