Qormada Yusuf Garaad:Dastuurku ma qorayo in Gobol waliba uu dalka uu doono la geli karo heshiis ama taageero siyaasadeed u fidin karo (Fallanqayn Kooban)
Yusuf Garaad oo ahaa ninkii maamulayay idaacadda BBC intii uu jiray burburkii Soomaaliya isla markaana intii uu BBC-da joogay aan marna ka shaqayn in uu sheego cadaalad daradii ay beeshiisu ku samaynaysay beelaha kale, balse taa badelkeeda laanta bbc-da ka dhigay hoyga qabyaaladda iyo cadaalad darada lagu buunbuuniyo, isla markaana wariyaashii idaacadda BBC beeshiisa kaliya ka shaqaalaysiiyay intii uu markaas isagu shaqada geeyay, ayaa markii laga dhigay wasiirka arrimaha dibadda dad badan u arkeen xukuumadda Farmaajo iyo Khayre mid aan hadda ka shaqaynayn dib u heshiisiin.
Iyadoo aan ognahay arrimaha hadda Soomaali ugu muhiimsan oo ay ugu horayso sidii shacabkaan masaakiintii kalsoonidoodii dhuntay dib la isugu soo celin lahaa, iyaad mooddaa in uu Yusuf hadda u muuqda mid abuuraya kala shakagii horay Soomaali usoo daashaday.
-Yusuf Garaad waxay ahayd in uu safarkiisa ugu horeeya ka billaabo Puntland oo hadda uu shacabka saamaxaad waydiisto, oo toobad keeno, oo markaan yiraahdo waan ka toobadkeenay xumaantii iyo qabyaaladdii aan ka shaqayn jiray oo maanta midnimada umaddaan walaalayaal ka shaqaynayaa.
Taa badelkeeda Yusuf wuxuu u dhaqmay sidii nin kasoo jeeda beelaha laga tirada badanyahay ee muddo lasoo dulmayay wuxuuna Yusuf subixii kastaaba isku maraa illaa dhawr safaaradood, bishiina illaa dhawr dal.
-Meeshii uu tagaba wuxuu ka dhaadhicyaa in aan maamul Gobaleedyada warkooda la dhagaysan ee waxwalba DFS loosoo maro sida dalalka caalamka.
Hadaba Yusuf wuxuu iska dhaga tirayaa in DFS ay ka arrimiso laba xaafadood oo xamar ku yaal oo ciidamada Amisom waardiyeeyaan.
-Waxayna ahayd in uu Yusuf hadda awoodda saaro sidii soomaalida kalsoonideedii dib la isugu soo celin lahaa, oo markaas dhalinyarada loo abaabuli lahaa si ay dalkooda nabadgalyadiisa iyo horumarkiisa uga wada shaqeeyaan.
-Waxayna ahayd in Yusuf hadda laga arko dabacsanaan badan maadaama horay uu uga soo mid ahaa hogaamiye kooxeedkii Soomaali halkaa soo gaarsiiyay oo uu ahaa ninkii makarafoonka u hayay.
-Yusuf waligiis kama sheegin BBC dadkii reer markoodka ahaa ee ay adeeradiis biyaha wabiga ka iibin jirreen.
Talo.
Yusuf waa nin leh karti ee hadda kartidiisa ha u duwo dhanka midnimada iyo cadaalad ka shaqaynta, hana u badayo hadaladiisa muhiimadda in loo baahanyahay in laga wada tashado talaabo kasta.
Hoos ka eeg qormada Yusuf.
Isteerinka Arrimaha Dibadda Soomaaliya
Dalka Soomaaliya waa mid ka soo kabanaya dagaal sokeeye. Geeridii, dhaawacii, qaxii iyo burburkii dagaalka sokeeye dartood, konton iyo toddoba sano ka dib Dowladnimada Soomaaliya waa mid mar labaad socod-barad ah oo hadda la kabkabayo una baahan koolkoolin iyo in loo turo.
Sagaashanaadkii
Waxaan ka soo gudubnay xilligii Sagaashamaadkii oo aan ahayn Dowlad la’aan. Waa xilligii abwaan Soomaaliyeed oo aan kula kulmay Baydhaba uu ka tiriyay tix aan ka xusuusto hooriskeeda oo ahaa:
“Wada Tuute noqannaye,
nin waliba tabtuu rabo,
ha u rido tumaatida”.
2000 iyo ka dib
Waxaa kale oo aan ka soo gudubnay tobankii sano ee xigay ee Hoggaamiye Kooxeedyo hub badan haysta, mararka qaarna degaan ka taliyaa ay Dowladda is hor taagi jireen amaba ay ridi jireen.
Hoggaamiye kooxeedyadaas oo uu mid waliba u duulo caasimad shisheeye tii uu doono iyo weliba mararka qaarkood gobollo shisheeye si uu heshiiska uu doono ula soo galo Dowlad ama sharikad iyada oo og in aanuu heshiiskaas fulin karin haddana dano gurracan dartood shaar ka weyn u toli jirtay Hoggaamiye kooxeedka.
2012
Waa laga soo gudbay xilligii ku meel gaarka, inkasta oo weli xagga dib u heshiinta iyo dib u dhiska hey’daha Dowladda siiba ciidanka ay wax badani ka dhimman yihiin.
Waxa la isku afgartay ee Dowladnimada Soomaaliya ay ku dhisan tahay, oo uu Madaxweyne ku noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida Madaxweynayaashii isaga ka horreeyayba ay ku noqdeen, waa Dastuurka dalka oo isaga laftiisu weli ku-meel-gaar ah ilaa afti laga qaadayo shacabka Soomaaliyeed oo dhan.
Dastuurku si cad ayuu u qeexayaa in Siyaasadda Dibadda ay u xilsaaran tahay KELIYA Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Dastuurku wuxuu awood u siinayaa in Madaxweynuhu uu yahay mas’uulka dalka ugu sarreeya, fagaarayaasha caalamiga ahna uu isagu ama wakiilkiisu ku matalo Soomaaliya.
Dastuurku ma qorayo in Gobol waliba uu dalka uu doono la geli karo heshiis ama taageero siyaasadeed u fidin karo. Sidoo kale, Dastuurku ma qorayo in Gobolkii doonaa uu Dowladda uu xiriirka u jari karo ama uu ku qaadi karo dagaal.
Madaxda Dowlad Goboleedyadu cod iyo mas’uuliyad heerkooda ah ayay ku leeyihiin talada Dalka. Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalkuna waa ay ku xushmeyneysaa. Haddii ay la soo gudboonaato mar go’aan ay Xukuumaddu gaartay uu u cuntami waayo Madaxweyne Goboleed ama uu hayo talo ka wanaagsan go’aanka Xukuumadda, waxaa u furan in uu Dowladda Federaalka ah u soo jeediyo talo.
Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka dhexeysa wadashaqeyn fiican xagga siyaasadda iyo xagga amnigaba. Khilaafna kama jiro Arrimaha Gudaha ee dalka. Arrimaha Dibaddana go’aankeeda waxaa leh Madaxweynaha Jamhuriyadda iyo Xukuumadda Federaalka.
Madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya waa in aan dhammaanteen siinnaa qiimeynta ugu weyn. Waa waxa keliya ee waaraya. Xil uu qof mas’uul ahi hayo heerka uu doono ha noqdee waxaa ka weyn Qarankeenna. Manfac iyo damac kasta oo kale waxaa ka weyn wadajirkeenna iyo Madaxbannaanideenna. Iyaga ayaa waaraya.
Sidaa darteed aan ka dhowrsanno in Hoggaamiyaha dalka ee maanta iyo berri lala qabsado isteerinka. Hoggaamiyaha maanta ee dalku waa Maxamed Cabdullaahi Maxamed. Hoggaamiyaha berri imaan doona ama imaan doonta ma naqaan. Laakiin mid kasta oo Hoggaamiye noqda waxaa uu jeclaan lahaa, Soomaaliyana u roon, in uu la wareego Dowlad wax-ku-ool ah oo nidaam iyo kala dambeyn ku socota oo aan is-barbar-yaac lahayn.
Dastuurka Soomaaliya meelaha qaar ma cadda oo mugdi ayaa ku jira. Meelaha qaarna waa mid aan dood geli karin waxa uu Dastuurku ka qabo.
Soohdinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada marka ay joogto Arrimaha Dibaddu uma baahna fasiraad badan marka aad akhriso Dastuurku sida uu u qeexayo.
Qofka ka dhowrsan waaya in uu si sharci darro ah isteerinka ula qabsado Hoggaamiyaha Dalku, ama aan si kale u dhigee ku kaca fal lid ku ah Dastuurka dalku ha ogaado in uu wiiqayo Dowladnimada Soomaaliya.