Gudmoomiyaha Baarlamaanka DFS oo ka hor yimi doorashadda ka dhacaysa Baydhabo

Muqdisho(Pes) Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa maanta shaaciyay inaysan DFS aqbali doonin wixii kasoo baxa doorashada ka socota magaladda Baydhabo oo lagu wado in uu ku soo baxo Xildhibaan Shariif Xasan.

Madaxda DFS ayaa horay ugu baaqay in mudo labo todobaad ah dib loo dhigo shirka si dadka ka maqan loogu soo daro.

Halkan ka Akhriso war-saxaafadeed Jawaari uu soo saaray

Annagoo ka duuleyna qodobka 11aad ee heshiiskii laba dhinaclaha ahaa maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo qeexayey “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan”ayaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya  9kii bishan November si mideysan u go’aamiyeen hakinta iyo toosinta habraaca maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayadoo qaadashada go’aankaasina uu ka dambeeyey tixgelinta cabashooyinka kasoo yeeraya Odayaasha dhaqanka,siyaasiyiinta,bulshada rayidka iyo ergooyinka weli dibadda ka jooga howlaha geedi socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed.

Iyadoo sidoo kale la ogsoon yahay go’aankii Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ee soo baxay 01-11-2014 oo cadeynayey in aanan la qaban karin doorasho inta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hubineyso iney si buuxda uga wada qeyb qaataan qeybaha bulshada ka go’aan gaarista masiirka iyo maamul u dhisidda gobollada Koonfur Galbeed.

Hadaba ayadoo la xeerinayo qodobbadan kor ku xusan waxaa halkan looga digayaa guddiga iyo ergada shirka maamul dhisidda Koonfur Galbeed iney ku kicin wax carqalad ku keeni kara habsami u socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale go’aammo dhalin kara carqalad,xasilooni darro iyo dib u dhac baaxad weyn oo ku yimaada xaqiijinta himilada dhismaha maamul loo wada dhan yahay.

Ugu dambeyn waxaan halkaan ku cadeynayaa natiijo kasta oo khilaafsan go’aannada Dowladda ee kor ku xusan ineysan Dowladda Federaalka Soomaaliya aqoonsan doonin ayadoo taasina ay xad gudub ku noqoneyso Dastuurka Dalka qodobkiisa 48aad,farqada 2aad ee siineysa Xukuumadda Federaalka awoodda hagidda iyo maamul dhisidda gobollada dalka,mas’uuliyadda wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana ay qaadi doonaan cidii ku xad gudubta go’aammada

Dowladda Federaalka Soomaaliya.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka BaarlamaankaMedia and Public Relation Office Of Speaker

 

About The Author