Wafdigii Puntland uga qayb gali lahaa shirka Denmark oo Puntland ka dhoofay

Garowe(Pes) Waxaa maanta ka  dhoofay caasimada Puntland ee Garowe wafdigii uga qayb gali lahaa shirka 19-20-ka bishaan ka furmaya wadanka Denmark kaasoo lagu sheegay in dib loogu eegayo hormarka uu sameeyay barnaamijka New Deal.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka Qorshaynta Puntland Cali Axmed Faatax iyo Maxamed Xasan Barre Gudoomiyihii KMG ahaa ee guddiga doorashadda Puntland,

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa shirkan New Deal ka qayb gali lahaa laakiin dawladu ma aysan cadayn sababta uu madaxweyne Gaas uga baaqday.

Faahfaahin kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author