Beesha Caalamka oo Farmaajo & Khayre u sheegay inay joojiyaan faragalinta qaawan ee ay ku hayaan maamul Goboleedyada
02 okt 2017 (Puntlandes) Machael Keating, Safiirka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa Farmaajo iyo Kheyre kala hadlay in ay joojiyaan faragelinta qaawan iyo duminta ay ku hayaan maamul Goboleedyada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isku deyey in uu inkiro arrinkaas, laakiin waxaa la hor dhigay cadaymo arrinkaas muujinaya. Waxaa isna Farmaajo khadka Taleefanka kula hadlay wasiirka Arrimaha Debeda ee Ingiriiska Borris Johnson, isagoo uga digay duminta maamul goboleedyada, isagoo u sheegay in ay bar madow ku tahay hogaankiisa in uusan dalka isku hayn kari la’yahay, maadaama uu duminayo maamul goboleedyada lagu soo tiir iyo tacab beelay.
Xubnahaas la hadlay Farmaajo ayaa waxay dhamaantood ka codsadeen in uu faraha ka qaado shirka Kismaayo, oo uu suxul duub ugu jiray inuu baajiyo.
Dhanka kale Sanbalooshe ayaa fara marnaan kala soo noqday Itoobiya, ka dib markii lagu wargeliyey in Farmaajo uu Dawlada Itoobiya ka codsaday in aysan la macaamilin Dawlada Goboleedyada.
Shirka Kismaayo ayaa Hadii uu qabsoomi dhaawax wayn gaarsiin doona hogaanka iyo sharciyada Madaxweyne Farmaajo. Waxaana looga hadli doona arrimo badan oo xasaasi ah.
Waxay ku dhamaan doontaa in Beesha Caalamka ay Farmaajo iyo maamul goboleedyada dhexdhexaadiyaan. Farmaajo ayaa ku qasbanaan doonaa, sida ay khuburada u faro dhuudhuuban ay saadaalinayaan, in labo arrin oo qaraar kala doorto.
1- In uu iska fogeeyo xubnaha sababay hurinta colaadaha siyaasadeed iyo Gudaha iyo Debedana sida Fahad Yaasiin, Khayre iyo Taabit. Magacaabana Raysalwasaare iyo xukuumad la shaqayn karta, Baarlamaanka, maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, kasban karana Dawladaha deriska iyo kuwa Khaliijka.
2- Hadii ay taas dhici wayso wuxuu wajahayaa dagaal adag oo siyaasiyiinta, Dawlad Goboleedyada iyo beesha Caalamka ka wada shaqayn doonaan sidii xilka looga qaadi lahaa
Puntlandees.com