Al-Shabaab oo mar kale xalay weerar culus ku qaaday deegaanka Bariire
02 okt 2017 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee degmada Aw-Dheegle gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Alshabaab uu xalay ka dhacay mar kale deegaankaas.
Alshabaab ayaa la sheegay in weerar ku bilowday madaafiic ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Milateriga ku leeyihiin deegaankaas, halkaas oo dhawaan ay weerar xoogan oo khasaare badan sababay u gaysteen.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid aad u xooggan oo socday muddo labo saac, iyadoo ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerarkaas.
Guddoomiye kuxigeenka degmada Aw-Dheegle Faarax Maxamed Cabdi ayaa sheegay in weerarkii Alshabaab ku soo qaadeen ay iska caabiyeen.
Deegaanka Bariire ayaa ah meel istiraatiiji ah oo Al-Shabaab ay ka weerar tagi jireen, sidoo kale waxaa la sheegaa inay ku diyaarin jireen qaraxyada ay ka geystaan Muqdisho iyo degmada Afgooye
Puntlandes.com