Daawo Video:Xil Daahir Maxamuud Muuse o kaso horjeestay Mooshinka looga horjedo Horumarinta Imaaraadka ka wado Puntland

03 okt 2017 (Puntlandes) Xildhibaan Daahir Maxamuud Muuse oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorta Puntland ayaa si wayn uga soo horjeestay Mooshinka ay Xildhibaano ka gudbiyeen inay hor istaagaan ama ay uga horjeedaan Mashaariicda Horumarineed ee ay Imaaraadka ka wado Puntland.
31c9

Xildhibaanad Sacdiya ayaa dhawaan shaacisay inay ka gudbiyeen Mooshin lagu joojinayo mashaariisca uu Imaaraadku ka wadaan Puntland, halkan ka akhriso XOG ku saabsan iyo waraysi

Xildhibaan Daahir ayaa ugu mahadceliyey dawladda Puntland dadaalka dheeraadka ah oo ay ku bixisay ka shaqaynta horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay xukuumadani tahay tii ugu wax qabadka badnayd.

Xildhibaan Daahir ayaa ugu baaqay shacabka Puntland iyo guud ahaan kan Soomaaliyeed inay soo dhaweeyaan dhismaha, balaarinta iyo casriyeynta dekedda Bosaso, taasoo wada anfici doonta dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author