Akhriso Maxkamada sare ee Galmudug oo aqbashay xil ka qaadistii dhamaan madaxda maamulkaas
03 okt 2017 (Puntlandes) Maxkamada sare ee Galmudug oo aqbashay xil ka qaadistii Madaxweyne Xaaf, ku xigeenkiisii iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.
Qoraal ka soo baxay Maxkamada Sare ee Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in xilka qaadisyadaasi ay ahaayeen kuwo sharci ah.
Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay inuu xilkiisii waayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Galmudug Xareed Cali Xareed ka dib markii uu fadhiyada baarlamanka ka maqnaa 118 maalmood oo xiriir ah.
Maxamed Aadan Macalin oo ah gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Galmudug ayey Maxkamadu amartay inuu noqdo ku simaha madaxweynaha Galmudug.
Dhanaka kale maxadweyne xaaf ayaa saxaafadda u sheegay inaysan Galmudug waligeed yeelan Maxkamad sare
Akhriso
Puntlandes.com