Sawiro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo la kulmay Madaxa Hay’ada UNFPA ee Soomaaliy

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee Maanta Xarunta Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’ada UNFPA ee Soomaaliya Mr.Cheikh Tidane Cisse

Kullan gaar ah oo Madaxweyne Gaas iyo Mr.Cheikh Tidane Cisse wada qaateen ayaa waxa ay uga wada hadleen mashaariicda ay UNFPA ka fuliso Puntland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta Dawladda Puntland iyo Hay’ada UNFPA ka dhaxaysa .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey Hay’adani in mashaariicda ay ka fuliso Puntland ay ku qotomiso qorshaha dawladda iyo baahida wasaaradaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa walaac ka muujiyey tirakoobki dadka Puntland ee dhawaan hay’adani ka samaysay Puntland ,kaas oo tiro cadad ahaan laba milyan iyo todobo boqol oo qof ay ku sheegeen umadda reer Puntland.

Balse madaxweynaha Puntland uu sheegay in tiradaasi ay tahay mid mala awaal ah ,tirade saxda ah ee lagu qiyaasi karo umadda reer puntland ay tahay mid taasi kabadan ,qiyaas ahaan Dawladda Puntland u aqoonsantahay Shacabka reer Puntland in ay yihiin saddex meelood oo meel tirade guud ee shacabka Soomaaliyeed taa macnaheeduna uu yahay tiro u dhiganta qiyaasti 3.9million.

Waxyabaaha kale ee kullanka looga hadlay waxaa kamid ahaa qorshaha caafimaadka ee hay’adani ugu talagashay Puntland sanadka 2015 iyo sidii loo xoojin lahaa tayada isbitaalada iyo shaqaalaha ka howlgala adeegyada caafimaadka ee Puntland.

Dhinaca kale,waxaa laysla afgartay in barnaamijka Carmma ee Badbaadinta Hooyada iyo dhallaanka fulinteeda kala shaqaynayso Dawladda Puntland,islamar ahaantaana si wadajir ah Dawladda Puntland iyo Hay’adda UNFPA ee Soomaliya uga howlgalayaan badbaadinta hooyada iyo dhallaanka .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn  dhankiisa sheegay in siyaasada Dawlada uu hogaaminayo ay tahay in lahelo bulsho caafimaad qabta oo fiyow hadii larabo in la helo bulsho caafimaad qabtana waa in la helaa hooyo caafimaad qabta .

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
899

900

901

902

Puntlandes.com

About The Author