Daawo Video: Madaxweyne Dr Gaas & Wafdi uu hogaaminayo u amabaxay Kismayo
08 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay goor dhawayd Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Cabdiwali Gaas waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan labadiisa gale oo Dawalada.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka qeyb galaya shirka ay yeelanayaan maamul Goboleedyada oo ka dhacaya Magaalada Kismaayo maanta.
Ka hor intuusan ka dhoofin Garoonka diyaradaha Boosaso Madaxweynaha Puntland waxa uu ka hadlaya ahmiyada shirka ka furmaya Kismaayo ay leeyihiin Maamulgobaleedayada dalka.
Daawo Muuqaalka Shirkii jaraa’id
Puntlandes.com