Shirkii dawlad Goboleedyada oo Qodobo muhiim ah la isku afgartay kuwo kalena doodoodu socoto (Akhriso)
10 Okt 2017 (Puntlandes) Shirkii dawlad Goboleedyada dalka Soomaaliya oo Kismayo uga socday labadii cisho oo u dambaysay ayaa waxaa la isku afgartay Qodobo muhiim ah, iyadoo kuwo kalena doodoodu socoto.
Qodobada la isku afgartay ayaa waxaa ka mid ah:
1- In la aas aaso Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada
2- In Sanadkiiba ay mar kulmaan Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada,iyadoo Kulankaas lagu qaban doono Magaalo uu ka taliyo mid kamida Maamulada.
3- In Madaxda maamul Gobolleedyada ay iska dhex doortaan Hogaan,Hogaankaas oo aan weli la caddeyn,balse Qodobkaas ay weli doodiisu socoto.
4- In Golaha ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada uu u taagan yahay Xalinta Khilaafaadka oo Madashaas ay xalin doonto haddii Labo Maamul uu Khilaaf soo kala dhex galo.
5- Iin Qodobada ka soo baxa Shirkooda ay la wadaagaan Dowladda Dhexe oo Muqdisho loogu keeno iyo in sidoo kale loo bandhigo Baarlamaanka Maamul Gobolleedyada.
6- In Guddi ay u saaraan Khilaafka Xoogan ee ka dhex jira Madaxda Maamulka Galmudug.
Qodobada kale oo la filayo in laga soo saaro ayaa waxaa ka mid ah:
1-Fadaraalka ay Soomaaliya qaadatay oo lama taabtaan ah
2- Khilaafka Khaliijka iyo go’aankii DFS ay ka qaadatay
3-Sharciyada ay DFS kaligeed iska samaysanayso iyadoon wax tashi ah gelin sida Dastuurku qabo
4-Qorshaha Amniga oo ay DFS kaligeed isku koobtay
Shirka ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo Magaaladda Kismayo islamarkaana laga soo saaro Warmurtiyeed.