Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo u dhoofay Copenhagan si uu uga qaybgalo Shirka Hiigsiga 2016

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa galabta ka dhoofay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,ka dib markii loo dhaariyay xilka Madaxnimada ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shariif Xassan Sheekh Aadan oo Saxaafadda la hadlay ka hor inta uusan ka dhoofin Baydhabo, ayaa sheegay inuu ka qayb galayo shirka ka dhacaya wadanka Denmark ee looga hadlayo Hiigsiga cusub ‘’New Deal’’

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa saacado kooban ka dib helay Caasumaadii ugu horaysay oo uu ka helay shir loo qabanyo umada Soomaaliyeed,waxaana uu matalayaa Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay ee ka kooban saddexda Gobol.

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ah nin si wayn u fahasan Siyaasada Soomaaliya,xilalna kaso qabtay Dawladihii KMG ahaa ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Koonfu Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa maanta Ergada Maamulka Koonfur Galbeed ay ku doorteen cod aqlabiyad leh.

Puntlandes.com

About The Author