Bal ila eega Ajendaha shirka maxadweyne Culusow uu aaday (Copenhagen)

Dawlada fadhigeedu yahay Xamar ayaa waxaa abuuray siiyeyna Sharcida, amaanka iyo dhaqaalaha ay ku shaqayso Beesha Caalamka oo doonaysa in ay ka saacidaan Somalia in ay la soo noqoto dawladnimadeedii. Waxay keeneen Xamar iyo Koonfur ciidan ka badan 23000 iyagoo ilaaliya amaamka goobaha ay DFS ku shaqayso iyo gaar ahaan madaxdooda.

culusow1

Madaxweyne Xasan Culusoow ayaa wuxuu la soo baxay ku tumasho wixii Somalidu ku heshiisay isagoo si cad waxna u badalay waxna u jabiyey wixii Somali ku heshiisay, noqdayna Diktatoor aan Kooxdiisa Dan Jadiid maahee cid kale maqlayn.

694

Sharci ku tumashadaas waxay keentay in isaga iyo Raysul Wasaare Cabdiwali iska hor yimaadaan. Khilaafkaas markii uu soo shaac baxay ayaa Beesha Caalamku isku dayeen in ay dhexdhexaadiyaan madaxweyne Xasan waa uu ka diiday isku day kasta oo Beesha Caalmku samaysay, waxaana u dambeeyey  kii shalay 16 nov 2014.

Maantana wuxuu isagoo qoslaya oodba moodin in uusan waxba dhimin ama uu soo qaadanayo mushahaar uu soo shaqaystay ayuu isku siidaayey  Copenhagen Caasimada dalka Dermark oo martigelinaysa shir markiisii hore ahaa heer caalami ah madax farabadana ay ka soo qaybgeli lahayd looguna yaboohi lahaa Somalia aduun lacageed oo aad u fara badan. Shirkaas ayaa hada hoos aad loogu dhigay lagana weeciyey qorshiisii hore iyadoo ay Dawlada Dernmark oo shirkaas qabanqaabadeena wax badan waday.

Madaxweyne Culusoow intuu gurigiisii dab soo suray, (DFS) ayuu isagoo QOSLAYA diyaarad ugu duulay dal shisheeye, waxaa taas ka sii yaab badan wuxuu wataa JAWAANO waawayn oo tolanayey sanad si lacag looga soo buuxiyo!!!

Halkan ka Akri Ajendaha PDF
hlpf_copenhagen_agenda_for_website

Halkan ka Akri Ajendaha Shirka
905

906

 

Puntlandes.com

About The Author