Wasiirka Arimaha Gudaha DFS oo soo dhaweeyey doorashada Shariif Xasan

Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdulahi Goodax Bare ayaa sheegay in DFS soo dhaweeynayso doorashada Shariif Xasan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo shalay loo doortay.

Goodax ayaa waraysi uu siiyey idacada VOA yiri “Xukuumad ahaan aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay una soo dhawaynaynaa in shaqo mudo dheer loo fadhiyey inay soo gaba gabowdo oo shacabka sadexda Gobol ay ugu dambayntii yeeshaan maamul”

Goodax waxa uu ku hadlayaa afka madaxweyne Xasan Waxaana la ogaa awalba in uu madaxweyne Xasan taageersanaa Shariif Xasan in uu noqdo madaxweynaha maamulka as laakiin waxaa iswaydiin mudan in uu uga baxo heshiiskii ay wadagaareen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raysul Wasaaraha oo ahaa in la hakiyo shirka Baydhabo.

 

Puntlandes.com

About The Author