Dhagayso: Shirkii Golaha Wasiirada DFS ee maanta iyo wararkii u dambeeyey ee Khilaafka

Idaacada Af soomaaliga ku baxda ee BBC ayaa ka diyaarisay warbixin ka hadlaysa Shirkii Golaha wasiirda DFS ee maanta kaasoo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyada:

  1. Xuduudaha iyo Federaalka
  2. Doorashooyinka

Raysul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed  ayaa yiri mar uu ka hadlayey Wasiirada la sheegay in ay ugu baaqeen Raysul Wasaaraha in uu iscasilo ”Wasiirkii u arka in aanu la jaanqaadi karin qaadka Raysul wasaaraha iyo Xukuumadu Shaqada u wadaan waxaa u furan in uu iscasilo”

Shirkii maanta ee Golaha Wasiirada ayeysan wax saamayn ah ku yeelay wararkii sheegayey in Wasiiro badan u soo gudbiyeen Raysul Wasaaraha in uu iscasilo iyadoo ay dawladu hawlaheedii sidii caadiga ahyd u wadato.

halkan ka dhagayso warbixinta

Puntlandes.com

About The Author