Sawiro: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Booqday Xerada Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Maxamed Dirir Ex 54-aad

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka Booqasho ku tagay Xerada Ciidamada Maxamed Dirir Ex 54-aad ee ku taala duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay ciidanka Daraawiishta Puntland ee xeradaasi ku sugan waxana uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka iyo kooxda Baambayda Puntland.

Intaas kadibna waxa uu Madaxweynuhu warbixino ku saabsan xaalada ciidanka ka dhagaystay Saraakiisha ciidanka iyo weliba qaar kamid ah ciidanka halkaasi ku sugnaa iyagoona u soo gudbiyey waxa ay qabaan islamarkaana balan qaaday  in ay sii wadi doonaan dedaalka ay ku difaacayaan dadka iyo dalkooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay booqashada uu booqday ciidanka isagoona kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan howsha qaran ee ay u hayaan dalkooda.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in muhim ay tahay in ciidanka dib u habayn lagu sameeyo ,dhawaana ay tababaro u bixi doonaan ciidanka qaybtood si aqoon kororsi u soo helaan loona gaaro himilada durugsan ee Puntland hiigsanayso isalamrkaana laga feejignaado hagar doomiyinka ay maleegayaan cadowgu.

Mar uu ka hadalayey casriyeenta ciidanka iyo lajaan qaadida ciidamada aduunka ayuu madaxweyne gaas tilmaamay in hada meel wanaagsan marayo dhawaana ciidanka Puntland gaari doonaan heerkaas caalamagi ah ee ciidan waafi ah uu lee yahay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa amar ku bixiyeey in loo geel qalo ciidan ka maanta, isla mar ahaantaana uu madaxweynuhu joogtayn doono ka war qabida ciidamada.

-DHAMMAAD-
908

910

911

912

913

914

915

Puntlandes.com

About The Author