Faarax C/qaadir iyo Taageerayaasha Dam-Jadiid oo Taageeray Doorashada Shariif Xasan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed

 

Shalay waxaa ka dhacday magaalada Baydhabo doorasho aan lugula tartamin Xildhibaan Shariif Xasan halkaas oo loogu doortay madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

904

Horay waxaanu u ogayn in uu Khilaaf ka jiray dhisida maamulkaas ee ka socday magaalada Baydhabo. Waxaan kaloo ogayn in ay dadi ku dhinteen mudaharaadyadii looga soo horjeeday Xildhibaan Shariif Xasan. Waxaan kaloo ogayn in Hogaamiyaha Dam-jadiid wasiir Faarax C/qaadir uu aad u taageersanaa in Xildhibaan Shariif Xasan uu noqdo madaxweynaha maamulkaas. Waxaan kaloo ogayn in maxadweyne Xasan Culusoow oo tixgelinaya rabitaanka saaxiibkiisa qaaliga ah Faarax C/qaadir uu taageeray Xildhibaan Shariif Xasan. Waxaan kaloo ogayn in uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ka soo horjeeday qorshaha Xildhibaan Shariif Xasan watay. Waxaan kaloo ogayn in Raysul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay soo saareen Qoraal ay ku joojinayaan shirkaas taasoo aan loo joojin. Waxaan kaloo ogayn in madaxweyne Culusoow oo wax uun ay qasbeen uu Qoraal la soo saaray Raysul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kaasoo lagu hakiyey shirkii Xildhibaan Shariif Xasan lagu dooran lahaa.

Dhacdoonyinkaas aanu kor kusoo xusnay oo jira ayaa shalay loogu dooray Xildhibaan Shariif Xasan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed waxaana ka muuqatay kalsooni badan isagoo isku halynaya saaxiibkiisa, Faarax C/Qaadir aadka u awooda badan iyo dawlada Itoobiya oo u balanqaaday in ay socodsiindoonaan.

Yaa Taageeray Doorashada Shariif Xasan?

898673

Isla markiiba Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdulaahi Goodax Bare oo ah wakiilka madaxweyne Culusoow ayaa Taageeray sheegayna in DFS soo dhawaynayso doorashada Shariif Shariif waxaana taas amtaray Faarax C/Qaadir.

236

Wax yar ka dibna waxaa soo saaray Warmurtiyeed lagu taageeray doorashada Shariif Shariif dawlada Puntland taasoo ahayd filanwaa!

859

Waxaana iyana dhinacooda ka soo saaray Warmurtiyeed lagu taageeray doorashada Shariif Shariif dawlada Jubbaland!!

 

Waxaa iyana dhankooda si aan Faarax C/Qaadir looga dheerayn shir ku yeeshay Xamar Xildhibaanadii Garabka madaxweyne Culusoow oo iyana soo saaray Warmurtiyeed lagu taageeray doorashada Shariif Shariif!!!!

Yaan Taageerin Shariif Xasana?

903811

Ilaa hada waxaan Taageerin doorashada Shariif Xasan waa Raysul Wasaaraha, Xildhibaanada garabka Raysul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka!!! Dhanka aan taageerini waa Garabka difaaca wixii soomaaliyi ku heshiisay, waa Garabka u taagan diidida Dam-Jadiid iyo awooda ay dalka Somalia ku leeyihiin.

Awooda aan la inkiri karin ee Faarax c/Qaadir

918

Waxay u egtahay in Faarax C/Qaadir ku adkaaday isagoo Taageero kaga helaya dawlada Itoobiya. Waxaa kaloo cadaatay in uu Faarax dalkii la oran jiray Somalia uu siduu doono ka yeeli karo, qofkii uu tageerana uu wax noqon karo. Bal eeg:

  • Heshiiskii uu la galay Axmed madoobe ee Jubba lagu Ogolaaday
  • Heshiiskii maamulka sadexda Gobol
  • Bur burinta uu hada ku wado DFS
  • Taageerida Shariif Xasan in uu noqdo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed

Isku soo wadaduuboo Faarax isagaa Xukuma Somalia wuxuu doonaana ka socon kara oo kaliya.

Puntlandes.com

About The Author