Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland.
Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-122 October, 18, 2017 Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in la magacaabo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland.
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa Abshir Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=