Aqalka Sare oo ka doodaya khilaafka dowladda Federaalka & Dawlad Goboleedyada
22 Okt 2017 (Puntlandes) Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ayaa maanta dood ka yeelanaya khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada, kaasoo maalmihii u dambeeyay meel xun gaaray.
Aqalka sare ayaa markii u horeysay soo fara gelinaya khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo rasmi ahaan Aqalka sare ku matalo Federaalka.
Warar ku dhow dhow Guddoonka Aqalka sare ayaa sheegaya in kulanka maanta laga soo saari doono warbixin la xiriirta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyo sida loo xalin karo.
Dowlad goboleedyada ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada iyo Xukuumadda inay fara gelin ku hayaan, isla markaana ku howlan yihiin bur burinta Fadaraalka dalka.
Dhanka kale qoraal ay Villa Somalia shaacisay ayey ku sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu Madaxda dowlad goboleedyada isugu yeeray shir 28ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho, kaasoo laaga hadli doono sidii khilaafka jira loo xalin lahaa.
Puntlandesa.com