Akhriso: Shirkii golaha wasiirada Puntland wixii ka soo baxay

Garoowe(Pes) Golaha Wasiirada Dawladda Puntland ayaa Maanta Kulan.koodii waxaa looga hadlay arimo Dhawr ah oo ay ka mid yihiin Xaaladda Nabad-Gelyada Dalka, Khilaafka Dowladda Federaalka Somaaliya, Barnaamijka Dimuqiraadiyada Puntland, Muddeynta Doorashada Rugta Ganacsiga, iyo Beelaha la  Heyb’sooco.

 

XF/0039/2014

November, 20, 2014

  1. Xaalada nabadgalyada dalka: Golaha wasiirada dawladda Puntland ayaa Shirkoodii Maanta uga hadlay xaalada Amniga Guud ee Dalka iyo dar-dar Gelinta Dhamaan laamaha Amniga
  2. Khilaafka Dawladda Federaalka Somaaliya: Sidoo kale Golaha Xukuumu waxay Maanta si Qoto Dheer uga hadleen khilaafka ku yimid dawladnimadii soomaaliya iyo maanta Meesha ay Marayso Xaalada waxayna u xilsaareen Gudi Gaar ah oo Heer wasiiro ah.
  3. Barnaamijka Dimoqraadiyada Puntland: Golaha Wasiirada Dawladda Puntland ayaa Shirkooda Maantak u falanqeeyey Barnaamijka Hirgelinta Doorashooyinka Puntland iyo Nidaamka Axsaabta badan oo ka mid ahaa balan-Qaadkii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas isla markaana uu Balan Qaaday inuu Sanadka Koowaad ku Bilaabayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u cadeeyey Golaha Xukuumadda inla Dhamaystirayo Xeerarka iyo Shuruucda Doorashooyinka sanadkaan 2014ka si loogu Gudbo Gudiyadii Shaqadaa qaban lahaa.

Sidoo kale Wasaaradda Dastuurka, Arimaha Federaalka iyo Dimuqiraadiyeyta ayaa waxay Golaha u soo Bandhigtay Xeerka Guddiga Doorashooyinka Xeerkaas oo lagu Sameeyey dib u eegid isla Markaana lagu kala Qeexay awoodaha Wasaaradda iyo Guddiga, waxaana dib Golaha Xukuumada loogu soo Celinayaa Todobaadka dambe si loo Meel Mariyo.

  1. Mudaynta Doorashada Rugta Ganacsiga
  2. Beelaha la haybsooco: Golaha Wasiirada Dawladda Puntland ayaa sidoo kale waxay War-bixin ka Dhagaysteen Guddiga wax u Qabadka Beelaha la Hayb’sooco Gudigaas oo uu Gudoomiye u yahay madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxay ka BixiyeenBeelaha Dulman Xoolo Nool oo dhan 67 neef oo Geel ah oo lagu yeeshay.

Isla markaana Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku Dhawaaqay Shirweyne looga Hadlayo loogana Doodayo Xaaladda Beelaha Dulmiga Soojireenka ah Qaba iyo Sidii ay Ummadda Puntland ay ula Wadaagi lahaayeen Dhamaan Hanaanka Dawladnimo ee Puntland.

 

 War-bixmo

Golaha Xukuuma Dawladda Puntland eaxay War-biximo ka dhagaysteen Wasiiro Howlo Shaqo U tagey dalka Jabuuti, iyo Sodoo kale Wasiiro Kormeer ku tagey Degmooyin ay ka mid tahay Degmada Boocame, waxaa sidoo kale war-bixin laga dhagaystay Gudiga Dib u Eegida Dhaqaalaha, Shaqaalaha, iyo Ciidama

Ugu Danbayntii

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu Amray Golaha Xukuumadda inay la Shaqeeyaan Hanti Dhawrka Guud ee Dalka si loo Muujiyo Hufnaanta iyo Tayadda Xukuummadda.

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland

 

931

932

 

Puntlandes.com

About The Author