Sawirro: Seneter Mashruuc oo ugu deeqay degmada Xunbays ee gobolka Karkaar puntland Dhismaha Aqalka dowlada hoose
24 Okt 2017 (Puntlandes) Seneter maxamuud Mashruuc oo ka mid xildhibaanada Aqalka Sare ee Barlamaanka JF Soomaliya ayaa ugu deeqay Dhismaha aqalka dowlada hoose degmada xunbays ee gobolka Karkaar Puntland.
Dhawaan ayaa madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu umagaacabay Xumbays degmo iyadoo ay cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen Barlamaanka Puntland.
Talaabadan uu qaaday Seneter Mashruuc ayaa guud ahaan reer Puntland gaar ahaan dadka deegaanka ay si weyn u soo dhaweeyeen, iyagoo uga mahadceliyey Seneterka waxqabadkiisa.