Guddoomiyaha G/Hiiraan “Muqdisho waa Soomaaliya, Soomaaliyana waa Muqdisho dhaqan ah ayaa inoo muuqda”

25 Okt 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhaliilay DFS inay ka gaabisay dagaalka dib looga xoreynayo gobolada dalka, isla markaana wax walba oo siyaasad iyo horumar ku koobtay magaalada Muqdisho oo kaliya.

31e7

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in aanay dowladdu la imaan siyaasad ku wajahan dib u xoreyn, isla markaana ciidamadii ku sugnaa gobolada dalka aanay siin agabyadii ay u baahnaayeen.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa yiri “Dowladda Dhexe waa ku dhaliileynaa in aanay la imaan siyaasad ku wajahan dib u xoreynta dalka, sidoo kale dib u heshiisiin ma sameyn, xataa ciidamadii gobolada ku sugnaa agabyadii ay uga baahnaayeen ma siinin”

Waxaa uu sheegay in wax kasta ay dowladda ku koobtay Muqdisho, isla markaana wixii siyaasad iyo horumar kaliya ay noqotay Caasimadda

Jeyte oo la yaaabay dhaqanka DFS ayaa yiri “Muqdisho waa Soomaaliya, Soomaaliyana waa Muqdisho dhaqan ah ayaa inoo muuqda, wixii horumar Muqdisho lagu koobay, waxaa aaminsanahay in dowladdu siyaasad ku mashquulsan tahay”

Waxaa uu sheegay in dowladda Fadaraalka looga baahan yahay inay siyaasada fur furto, xukunkana baahiso, isla markaana Muqdisho kaliya lagu ekaan.

Puntlandes.com

About The Author