Garowe oo uu ka furmayo maanta kalfadhigii 40aad ee Baarlamaanka Puntland
25 Okt 2017 (Puntlandes) Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa waxaa maanta ka furmaya kalfadhiga 40aad ee Baarlamaanka Puntland, kaasi oo uu furi doona madaxweynaha dawaladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed cali Gaas.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi oo ay wehliyaan xildhibaano katirsan labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya furitaanka kalfadhigan.
Puntlandes.com