Maraykanka oo ka walaacsan dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya ay u gacan gasho Al-Shabaab
03 Nov 2017 (Puntlandes) Wasaarada Arrimaha Dibbada Maraykanka qeybteeda u qaabilsan Afrika ayaa ka walwalsan in dhaqaalaha la siiyo dowlad Soomaaliya inay u wareegto ururka Al-Shabaab.
Laanta dabagalka Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa walaac muujisay iyadoo sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka uu sheegay in inaysan sameyn siyaasad iyo qorshe qiimeyn loogu sameeyo halista ah in dhaqaalaha Maraykanka uu bixiyo uu gacanta u galo ururka argagaxisad ah ee Al-Shabaab.
Warbixin ay soo saartay dowlada Maraykanka ayaa lagu sheegay in toddobadii sano ee ugu dambeysay ay ku taageereen ciidamada Milatariga ee Soomaaliya lacag gaareysa $66 million oo dollar.
Sidoo kale Baarsyaashan ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in lacagtaas qeyb ka mid ah ay si dadban ku gaartay Al-shabaab,Balse aan la ogeyn Habka ay ku baxday lacagtaas.
Baarayaashaan waxay tilmaameen inay suurtagal tahay in Al-Shabaab gacanta u gashay qeyb kamid ah dhaqaale loogu talo galay illaa 6,509 askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya.
Dowlada mareykanka ayaa sheegtay inay il gaarka u yeelan doono gar-gaarka ay siiso Dowlada Soomaaliya,maadaama ay ka cabsi qabaan in dhaqaalaha ay soo dhiibaan Mareykanka loo Gacan geliyo Dagaalamayaasha Al-Shaabaab.
Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa waxaa ay warbixin ay caalamka ka soo saartay sanadkii 2016 ku sheegtay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay xadgudub ku sameeyeen dadka rayidka ah.
Puntlandes.com