Shiikh Fu’aad Maxamud oo codsaday in shacabka Puntland nabadooda ilaashadaan, kana digay burburkin loo gaysto Laamiyada & goobiha Ganacsiga
03 Nov 2017 (Puntlandes) Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji oo kamid ah Culimada caanka ah ee Puntland ayaa salaadda Jimcaha ee maanta kadib Masjid Mubaarak ee Boosaaso khudbad uu ka jeediyey wuxuu shacabka qeybihiisa kala duwan ka codsaday inay ilaashadaan Nabadda ,kana waantoobaan falkasta oo lid ku ah Nabadgelyada iyo kala dambeynta Puntland kajirta.
Shiikha ayaa si gaar ah waxaa uu wax lagu xumaado ku tilmaamay banaanbaxii Rabshadaha watay ee maalin kahor magaalada Boosaaso ka dhacay, isagoona shacabka Puntlnd gaar ahaan kuwa Bosaso uga digay inaysan dib dambe u dhicin burburkii loo geystay laamiyadii iyo goobihii Ganacsi ee sida gaarka ah loo lahaa.
Masuuliyiinta Dawladda Puntland ayuu ka dalbaday Shiikh Fu’aad in shacabka wixii ay tabanayaan xaliyaan ,maadama ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay .
Shiikha ayaa inta uu khudbadda waday wuxuu soo qaatay sheekooyin ka soo maray xiliggii uu dalku burburayey, kuwaas oo uu ku huga tusaalaynayey sida ay Nabadda iyo Dawladnimadu u yihiin kuwo wanaagsan oo loo baahan yahay in la adkaysto oo la wada ilaashado.
Sawirro laga soo qaaday mudaharaadkii
Puntlandes.com