Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ku amray inay si degdeg ah uga baxaan Muqdisho
04 Nov 2017 (Puntlandes) Mareykanka ayaa ku amray muwaadintiisa inay si degdeg ah uga baxaan magaalada Muqdisho, kaddib warbixin digniin ah oo uu soo saaray Xafiiska Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.
Warbixin uu soo saaray Howlgalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhamaan shaqaalaha Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Muwaadiniinta kale inay isaga baxaan Muqdisho illaa amar dambe.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in xaaladda Nabadgelyo ee Soomaaliya ay tahay mid aad u halis ah, isla markaana khatar ku ah muwaadiniinta Mareykanka.
Mareykanka ayaa safaarad ku laheyn magaalada Muqdisho, laakiin wuxuu muwaadiniintiisa siiyay macluumaad ku saabsan hadii xaalad khatar dareemaan inay la xiriiraan Safaaradda Mareykanka ee Nairobi.
Digniintan ka soo baxday Mareykanka ayaa ah tii u horeysay oo nooceeda ah, waxaana ay ku soo beegmaysaa, iyadoo Al-Shabaab ay todobaadyadii u dambeysay kordhisay weerarada ay ka geysaneysay Soomaaliya.
Puntlandes.com