Sawirro: Dowladda Puntland oo gurmadka qarixii Zoobe u dirtay lacag dhan Nus milyan dollar
04 Nov 2017 (Puntlandes) Waxaa maanta garoonka diyaarahada ee Bosaso ka dhoofay wafdi ka socday dawladda Puntland oo wada lacagtii Gurmadka ee loogu Yaboohay Dadkii Khasaaruhu kasoo gaaray Qaraxii isgoyska Zoobe ka dhacay Bishii hore14keedii.
Deeqdana lacageedeEe Gurmadka Hiil-Sokeeye ayaa dhamayd Nus Malyoon Doolar, iyadoo ay horay dawllada Puntland ugu dirtay Muqdisho Daawo iyo Dhakhaatiir lagu caawiyo dadkii dhaawaca ku noqday Qaraxaas.
Wafdiga dawladda Puntland ka socda ayaa wxay ahaayeen Wasiirka Arrimaha Guddaha Puntland Cabdulaahi Timacade, Wasiiru Dowlaha Maaliyada Puntland Maxamuud Beeldaaje, Mareeyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Caydiid iyo Mareeye ku xigeenka Maxjarada Puntland Liibaan Axmed Shire.
Dhanka Culimada Puntland ayaa waxay ahaayeen Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, Sheekh Fuaad Aflow. Walaal Yaasiin iyo Madaxda Dalada Minhaaj Maxamed