Shirka DFS & Dawlad Goboleedyada dalka oo maanta lasoo gabagabynayo

05 Nov 2017 (Puntlandes) Shirkii uga socday Muqdisho madaxda DFS iyo kuwa dawlad Goboleedyada dalka mudada 8da cisho ah ayaa waxaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo.

3

Sida ay ogaatay warbaahinta Puntlandes qodobadii muhiimka ahaa ee la isku hayey waxaa loo saaray gudiyo hoosaadyo soo dhiraandhiriya xalna ka gaara arimahaas.

Dhanka kale waxaa warmurtiyeedka ka muuqan doono in lagu heshiiyey sidii Alshabaab si wadajir ah loola dagaalami lahaa dalkana looga xorayn lahaa iyo in si guud heshiis looga gaaray.

Puntlandes.com

About The Author