Daawo muuqaal Wasiir Jamaal oo Golaha Shacabka u sharaxay dhismaha Hay’adda Statistikada Qaranka

05 Nov 2017 (Puntlandes) Wasiirka Qorsheynta DFS Jamaal Maxamed Xasan oo shalay hortagay xildhibaanada golaha shacabka ayaa usoo gudbayey sharciga  dhismaha Hay’adda Statistikada qaranka Soomaaliya.

12a

Wasiirka ayaa ka jawaabayay su’aalo xildhibaanada Golaha ay ka weydiinayeen dhismaha hay’adda Statistikada qaranka Soomaaliya.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in dhismaha hay’addaan ay wax badan dalka kusoo kordhin doonto, haddii xildhibaanada golaha shacabka ay ansixiyaan.

Hay’addaan oo mas’uul ka ah Statistikada qaranka sida tirakoobka shacabka Soomaaliyeed  iyadoo xarumo ku yeelan doono dawlad goboleedyada dalka, waxaana xarunteedu ay noqoneysaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada qorsheynta ee Xukuumada Soomaaliya Jamaal  Maxamed Xasan ayaa ka jawaabay Su’aalihii ay xildhibaanada weydiiyeen wuxuuna sheegay in talooyinka ay soo jeediyeen Xildhibaanada ay si wadajir ah ugu wada shaqeyn doonaan Guddiga golaha shacabka u qaabilsan arrimaha qorsheynta.

Daawo muuqaalka wasiirka oo soo bandhigaya dhismaha Hay’adda Statistikada qaranka Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author