Doollo(Wardheer) Gobolkii la ilaaway- DDSI

13

Gobolka Doollo  waa mid kamid ah 11 – ka gobol ee ay ka kooban tahay  Dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya wuxuu ku yaal dhanka bari ee dalka.  Magaalo madaxdiisu waa Wardheer  wuxuu ka kooban yahay 6- degmo oo kala ah   Wardheer, Bookh, Danood, Gallaadi, Galxamur, iyo Daratoole. magaalo madaxda gobolka waa Wardheer oo magaceedu ahaan jiray waa kan loo yaqaano magaca gobolka. dhaqaale ahaan dadka degan Gololka waxay ku tiirsan yihiin Xoolaha nool ee la dhaqdo.

Gobolka Doollo wuxuu kamid ahaa meelaha ugu ammaanka fiicnaa DDSI waligeedna marnane kama jirin gobolka dhaqdhaqaaqyada jabhadihii hubaysnaa ee ka dagaalamayey dowlad deegaanka Soomaalida ee itoobiya. Hase ahaatee meeshii uu noqon lahaa gobol hormar ka jiro wuxuu noqday gobolka ugu dambeeya dhanka hormarka marka la fiiriyo gobolada kale ee dalka. Dadka degan gobolka Doollo ma haystaan adeegyo badan oo ay xaq dastuuriya u lahaayeen haba ugu darnaadeena adeegyada bulsho sida wax barashada, caafimaadka biyaha, jidadka iyo jinsiyada itoobiyaanimada oo laga mamnuucayba.

Wax barashada

Badi ciyaalka gobolka ma helaan waxbarashada aasaasigaa, tirada dugsiyada dowligaa ee gobolka ku yaal aad bay u yartahay inay kaafiso baahida waxbarasho ee carruurta ku nool goboka Doollo. dhanka kale waxaan jirin wax iskoolo gaar loo leeyahay oo ku yaal gobolka. taasa waxaa ka sii daran dugsiyada tirada yar ee  ku yaalla gobolka ma haystaan agab wax barasho oo dhammaystiran iyo macalimiin khibrad wax barineed leh. dhanka fursada wax barashadana 10 cunug ee ku nool gobolka doolo waxaa fursad u heli kara 1 cunug  inuu helo jaanis uu ku tagi karo dugsiyada tirada yar ee gobolka ku yaala. marka ay dhammaystaan wax barashada aasaasigaa ardada gobolka waxaa caqabad ka soo waajahdaa u safrida magaalooyinka kale ee dalka si ay ugu biiraan jaamacadaha dalka waayo gobolku wuxuu dhan walba uga xiran yahay qaybaha kale ee dalka.

Caafimaadka

Helida adeeg caafimaad oo tayo leh waxay  aas aasi u tahay nolosha aadamaha, hase ahaatee Doollo waxaa lagu tilmaami karaa mid kamida meelaa ugu adeeg caafimaad hooseeya dunidaan aan ku nool nahay. goobaha caafimaad aad bay u kooban yihiin qofku marka uu ku xanuusado doollo wuxuu ku khasban yahay inuu ka u tilaabo xaduuda Soomaaliya hoosaynta adeega caafimaad iyo dawo la’aanta ka jirta gobolka awgeed. xarumo yaryar oo u qaabaysan inay la tacaalaan bukaan socodka ma yaallaan dawo ku filan mana joogaan adeegayaal caafimaad oo khibrad ay wax ku daweeyaan leh. howl wadeenada caafimaad ee gobolka Doollo loo soo diro ayaa dadka deegaanku kala kulmaan niyad jab iyagoo arka inaysan lahayn wax khibra ah heerkooda wax barashana aysan dhaafsiisnayd diploma 1 sano ama 2 sano ah. arrinka naxdinta leh ayaa ah in gobolka Doollo maalin walba hooyooyin badan ugu dhintaan marka ay umulyaan dhakhaatiir iyo dawo la’aan owgeed.

Biyaha

Gobolka Doollo dhulkiisu waa mid kulul qaybtine hawd iyo  saxare u eke kala ah, dadka ku noolna waxay dhaqdaan oo noloshoodu ku xiran tahay xoolaha nool hase ahaatee waxaa waayo badan dhib kala soo gudboonaataa dadka iyo duunyada helida biyo joogta ah iyadoo xilliyada jilaalkaa xoolaha iyo dadkaba in baday u dhintaan biyo la’aan. sidaas oo ay taay mushkiladu biyahu  waxay u muuqataa mid soo noqnoqota sanad walba iyadoona xilliyadii ugu dambaysay gobolka abaaro joogtaa ku dhufteen galaaftayna nolosha duunyo badan iyo dad ba. saas oo ay tahane tirada ceelasha dhaadheer ee ku yaal Doollo waa kuwo tirsan aana sina u haqab tiri karin baahida biyood ee ay qabaan dadka ku nool gobolka iyo xoolahooduba waxayna u muuqataa in dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya iyo dowladda federalkaaba ay iska ilaaween gobolkaas oo aan cid dan ka lehba jirin qorshe dadka deegaankaas dalka looga bara kicinayana dowladdu hoos ka degsatay iyadoona dadka deegaanku dalkooda kala cararaan baqdin oon ay la dabar go’aan iyaga iyo xoolahooduba.

 

Jidadka iyo kaabayaasha dhaqaale

Gobolka Doollo marka aad maqashid waa ina niyadaada ay ku soo dhacdaa meel hormarka ka jira hooseeyo, dowladda u talisaana ay iska ilowday. Doollo waxaa la dhihi karaa waxba lagama qaban kaabayaasha dhaqaale tan iyo markii ay talada dalka uu la wareegeen xisbiga EPRDF ee ay horkacayeen Tigreegu. halka ay gobolka Soomaalida haysta Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Itoobiya. ma jiro Doollo hal jid oo laamiya oo laga dhisay isku socodka deegaanda gobolka waa mid ay adagtahay taasna waxay hoos u dhigtay nolosha dadka degan gobolka oo reer guuraa u badan. waxay dhib aan la soo koobi karin kala kulmaan xilliyada abaaruhu dhacaan oo waxaa ku adkaata inay gawaari ku guuraan ama biyo gawaari u keensadaan.  taasina waxay qayb ka noqotaa in ay qaaliyoobaan biyaha maadaama ay ku adag tagay gawarida inay si sahlan ugu kala gooshaan deegaaada gobolka kuwa ceelasha dhaadheer ku yaallaan oo tiro yar iyo deegaanada kale ee gobolka oo u badan oomane.

 

Jinsiyada itoobiyaanimada

Doollo qofka ka soo jeeda waxaa lagu tilmaami karaa qof aan waddan lahayn. dadka degan gobolka waa ku adag tahay inay sida muwaadiniinta kale ee itoobiyaanka ka ah qaataan jinsiyada itoobiyaanimada maxaa yeelay muudadii 5-da  sano ee la soo dhaafay gabi ahaan gobolka lagama qaadan mustawaqiyada(National ID) oo ah meesha ay ka bilaamato caddaynta muwaadinimo. dhammaan degmooyinka Doollo waxaa ka xiran dadka ku nool inay helaan mutawaqiye taasna waxay sababtay xataa inaysan u safri karin qaybaha kale ee dalka itoobiya. Go’aankaan Joojinta ayaa ka soo Baxay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Sababta oo kaliya oo ilaa hadda laga hayo ayaa ah in gobolkaas ay degaan Qabiilka Majeerteen oo Puntland na dega(Qabiil).  bixinta mustaqiyaasha waxaa maamusha dowladdaha heer kilil mustawaqayaasha kililka Soomaalida waxaa laga soo daabacaa caasimadda kililka ee Jigjiga deegaanada loo daabacana kuma jirto Doollo taasna waxay ciqaab ku noqotay dadka reer Doollo oo horay uga cadilnaa hormaro badan oo ay uga baahnaayeen noloshooda xaqna ay u lahaayeen. in badan dadka Doollo waa ka hadleen sida ay ugu cadilan yihiin mustawaqiyo la’aanta hase ahaatee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uu madaxda ka haya Cabdi Maxamad Cumar dhagaha ayay ka furaysatay baahidaasna waxay ka sooqaaday midaan jirinba iyadoona xusid mudan tahay in dadka Deegaanku ay madaxweynaha ka codsadeen in uu u fasaxo booqosho uu ku marayey gobolka sanadkii 2016-kii. Dadka Doollo sanadihii ugu dambeeyay kuwo badan oo kamida waxaa u suurtoobi waayay inay soo gutaan xajka ama dalka dibadiisa u aadaan howlahooda u gaarkaa sida caafimaad, wax barasho iyo ganacsi oo waxaa ka reebay mustaqiye la’aan iyo passport gii ay heli waayeen. halka kuwo kale lacago xad dhaafa uga baxday sidii ay heli lahaayeen passport ay xaq u leeyihiin oo sida caadigaa lagu qaato $30 halka dadka Doollo uga baxday lacago gaaraya ama ka badanba $2,500 oo laaluush ahaan looga qaato xarumaha passport ga laga baxsho. in dadka Doollo ka baxaan dhibaatadaas  la xalin karana waxay marti u tahay Madaxweyne Cabdi Maxamd Cumar oo ah madaxweynaha DDSI.

 

Gobolka Doollo xaalka uu hadda ku jiro waxuu u muuqdaa gobol la iska ilaaway ayna muhiimad siinayn dadkiisii wax bartay dowladdii uu ka tirsanaa iyo qurba joogtii deegaankaas ka soo jeeday. taasna waxay sababtay in dhibaatada gobolka aan waxba laga qaban gobolkuna  noqdo mid kamida meelaha ugu nolol hooseeya ee dunidaan aan joogno lagu noolaado.   Adeegyo bulsho oo hooseeya iyo xanibaad dhaqdhaqaad ee ka saaran dadka gobolka gudaha dalka iyo dibadba waxay sababtay in bulshadiisu noqdaan kuwo  midba maalin ka cararo dalkii iyo deegaankii ay ka soo jeedeen. Wuxuuna noqday gobolka Doollo gabolka ugu badan ee dhallinyaradiisu ka tahriibaan dalka marka la fiiriyo Dowlad deegaanka Soomaalida iyo dalka Itoobiya.

 

Maxaa u furan dadka Doollo?

Reer Doollor waxaa ka maqan xuquuqo badan oo ay xaq u leeyihiin waxaana u furan oo kaliya inay raadsadaan oo ma jirto cid iyaga ahayn oo inta u kacda xaqooda u keenaysa waxayna wax kasta ku heli karaan iyagoo raaca shuruucda dalka uuna ugu horreeyo dastuurka Ethiopia. hana ogaadeen inaysan jirin mushkilad aan xal lahayn. ama quful aan fure lahayn dunidaan aan joogno. wax kastana waa la xalin karaa uun waxay rabaan kaliya in juhdi lagu baxsho oo aan laga daalin ilaa inta laga helayo. dadka Doollo oo dhan waa saaran tahay waajibka raadsashada xaqa ka maqan hase ahaatee, waxay si gaara u sii saaran tahay  masuuliyiinta deegaankaas ka soo jeeda ee dowladda ku jira heer kilil iyo heer fedraal, aqoonyahanada deegaanka u dhashay, qurbo joogta, ganacsatada, odayaasha madax dhaqameedyada ah, dhallinayarada, haweenka iyo cid kastoo ka danqanaysa  dhibaata baaxada weyn ee ka jirta gobolka Doollo.

 

W/Q: Muwaadin reer Doollo ah.

About The Author