Dhagayso: Shirka DFS & Dawlad Goboleedyada dalka oo lasoo gabagabeeyey, maxaase lagu heshiiyey

05 Nov 2017 (Puntlandes) Shirkii uga socday Muqdisho madaxda DFS iyo kuwa dawlad Goboleedyada dalka mudada 8da cisho ah ayaa waxaa la soo gabagabeeyey goor dhow, iyadoo laha soo saaray war murtiyeed.

9

Qodobada lagu heshiiey oo uu akhriyey wasiirka rimaha gudaaha mudane Cabdi Siciid faarax (Juxa) ayaa wxaa ka mid ah:

Arimaha Siyaayadda:

  • In dhinacyadu ay isku ixtiraamaan cid kasta awoodaha uu siinayo dastuurku,
  • In la helo xasilooni siyaasadeed
  • In maxada DFs iyo kuwa dawalad Goboleedyadu ay si wadajir ah u shaqeeyaan

Arimaha Amniga:

  • In dib u habayn iyo dardargelin lagu sameeyo heshiiskii London
  • In DFs iyo dawalad Goboleedyadu ay si wadajir ah ugu diyaargaroobaan duulaan ka dhan ah Alshabaab
  • In la dhisi Ciidanka Xoogga dalka

Arimaha Dastuurka:

  • In dawalad Goboleedyada Baarlamaankooda laga qayb geliyo dib u eegida dasuurka

Arimaha Mashaariicda & maalgelinta:

  • In awoodaha maamulka la daadajiyo
  • In la geeyo magaalooyinka qaadashashada Baasaboorka, Dastiiqinta Shahaadooyinka

Doorashada Somaliland:

  • Madaxdu waxay soo dhaweeyeen sida ay u socoto doorashada Somaliland

 

 

Dhagayso

About The Author