Dhagayso: Taliyaha Ciidamada badda Puntland oo beeniyey in Askari ka tirsan Ciidankiisa uu ka dambeeyey falkii lagu dhibaateeyey Gabar 15 jir ah
06 Nov 2017 (Puntlandes) Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax Ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo Maalmihii Danbe lagu baahinayay Baraha Bulshada oo sheegaya in askari ka Tirsanaa Ciidanka Badda Puntland uu ka danbeeyay falka lagu dhaawacay Gabar 15- kadib markii uu askarigaasi Xabad oga dhuftay qeybta Taranka.
Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax ayaa intaasi ku daray in ay arintani ay tahay mid foolxun oo loo baahan yahay in baaritana dheer lagu sameeyo si sharciga loo hor keeno Askarigii ka danbeyey falkaasi.
Taliyaha Ciidamada oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri ” Qofka Magacaasi wata Waligiis Ciidanka Badda Puntland Kama Mid Noqon, Mana Naqaan Xitaa waligiis Lagama Ruqseyn, Waxaanan filaya waxa Tuhunka soo galiyay inuu Yahay in Dareeska ciidamada oo aad isugu eg ay dadku u qaataan in uu ahaa Askari ka Tirsan Ciidanka Badda Puntland. ”
Dhagayso Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax
Puntlandes.com