Dhagayso: Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo ka khudbadeeyey Aqalka Sare (Sawirro)

06 Nov 2017 (Puntlandes)  Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka ee xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ayaa waxay maanta khudbad ka jeediyey Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka hadlay adkaynta Fadaeaalka iyo wadoshaqayn.

Ugu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Aqalka Sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay mudane Abshir Maxamed Axmed Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare BFS.

Madaxweynayaasha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, KGS Shariif Xasan Shiikh Aadan, Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Aqalka Sare ay matalaan dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka Soomaaliya, iyagoo halkaasi ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhagayso khudbadii Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

 

Dhagayso khudbadii Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam

 

Dhagayso khudbadii Madaxweynaha KGS Shariif Xasan Shiikh Aadan

 

Dhagayso khudbadii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf

 

Dhagayso khudbadii Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare

Daawo sawirrada
17a1

17a2

17a3

17a4

17a5

17a7

17a8

17a9
Puntlandes.com

About The Author