Dhagayso: Akhriso Wasiirka Batroolka DFS oo beeniyey Shirka Khayraadka Somalia ee Nairobi 2018 oo ay SOMA OIL qabanayso

06 Nov 2017 (Puntlandes) Wasiirka Batroolka DFS Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa beeniyey in dawladda Soomaaliya ay ka qayb gelayso waxna ka ogayd Shirka Khayraadka Somalia ee Nairobi ka dhici doona horaanta sanadka 2018, kaasoo ay lug ku leedahay Shirkada SOMA OIL oo uu saamiga ku leeyahay Raysul wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre.

18a

Wasiirka oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa beeniyey inay DFs ka qayb gelayso shirkaad, hoos ka dhagayso


Wasiirul dawlaha Xafiiska Raysul wasaare Khayre Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa 19kii sept 2017 soo saaray qoraal uu ku ayidayo shirkaas uuna ku sheegayo in Raysul wasaare Khayre kasoo qayb geli doono, hoos ka akhriso.

18a1

Wasiirka Batroolka DFS Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa  isna dhankiisa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inay DFS ka qayb gelayn shirkaas, uuna ku ammray qaban qaabiyaasha inay joojiyaan shirkaas ayna dawladiisu la socon, hoos ka akhriso qoraalka Wasiirka.

18

Shirka oo socon doona 19-21 marso 2018 ayaa madaxda lagu casuumay oo khudbadaha ka jeedin doona waxaa ka mid ah  Raysul wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre, isagoo furi doona shirka, hoos ka akhriso.

Hallkaan ka akhriso faahfaahin shirka ku saabsan: SOMA OIL AND KHAIRE

18a2

18a3

Puntlandes.com

About The Author