Dhagayso: Wasiirka Batroolka DFS oo waraysi xasaasi ah oo ku saabsan shirkii Nairobi ka dhici lahaa siiyey ee Somalia Oil bixiyey
07 Nov 2017 (Puntlandes) Wasiirka Batroolka DFS oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa ku baaqay in la joojiyo shir la sheegay in horraanta sannadka soo socda lagu qaban lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayo Saliidda, Gaaska iyo Macdanta Soomaaliya kaasoo ay kasoo qayb geli layad Shirkada SOMA OIL.
Wasiirka Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa warqad uu u qoray shirkad lagu magacaabo International Research Network oo la sheegay inay shirkaasi qabanqaabinayo ugu sheegay qoraal ay heshay Warbaahinta Puntlandes in wasaaraddu aysan waxba ka ogayn, waxna ka qorshaynin shirkaasi loona baahan yahay in degdeg looga noqdo, halkan ka akhri qoraalka.
Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay inaanu waxba ka ogayn shirkaasi oo la sheegay oo warqad kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha muujisay in shirkaasi Soomaaliya uu ka qaybgali doono Ra’iiusl Wasaaraha iyo Wasiirka batroolka.
Dhagayso waraysiga ay wasiirka la yeelatay VOA
Puntlandes.com