Sawirro: Xarunta Gobolka Banaadir oo ay ka socoto xaflad ay dawlada Putland ku wareejinayso nus malyal dollar
07 Nov 2017 (Puntlandes) Xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxa ka socoto munaasad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay dawlada Putland ku wareejinayso lacag nus malyal dollar ah oo ay ku caawinayso dadkii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii isgayska Zoobe ka dhacay 14kii oktoober 2017 ee dadka badani ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen.
Munaasabadda ay dawladda Puntland ku wareejinayo ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha dawaladda Puntland Dr cabdiweli Maxamed cali Gaas oo lacagta wareejinaya, Raysul wasaaraha DFS Xasan Cali Kahyre, Madaxweynaha Hirshabeelle Waare madaxweynaha galmudug Xaaf, madaxweynaha KGS Shariif Xasan, Gudoomiya Gobolka Banaadir iyo wafdigii gurmadka ka keenay Puntland
Waxaa kale oo kasoo qayb galay munaasabadda xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka JFS, iyo Golaha waxiira dadawlada Federaalka.
Munaasabadda oo si heer sare ah losoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay oo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Muqdisho.
Waa munaasabaddii ugu horaysay ee nooceeda oo kale ah oo ka dhacda xarunta Gobolka Banaadir, taasoo ay shacab Soomaaliyeed ugu deeqeen lacag cadadkeedu dhan yahay 491 107 doolar.
Shacabka Puntland oo ka damqaday dhibaatadii gaartay walaalahooda Muqdisho ayaa waxay iska soo ururiyeen lacagtay, waxaana xusid mudan in dawladda Puntland ay horay ugu dirtay daawo iyo dhakhaatiir caawiya dhaawaca.