Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo u hanjabay siyaasiyiinta dhaliila dhalinyaradana ugu baaqay inay qalinka dhigtaan
10 Nov 2017 (Puntlandes) Madaxwenaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo caawa khudbad ka jeediyey xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir ayaa u hanjabay siyaasiyiinta dhaliila sida uu dalka ku hogaaminayo, isagoo na ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay Qalinka dhigaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad caado ka dhigtay inaysan dalka ka hanaqaadin dowladnimo, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in bulshada la geliyo qal qal siyaasadeed taasoo ah hanjabaadii ugu xooganayd ee DFS jeediso.
Yuu ula jeedaa Madaxweynuhu oo dalka khalkhal gelinaya? Ma wuxuu doonayaa in loo sacbiyo oo uu dalka ka dhigo wax uu isagu leeyahay?
Soow ma qumanayn inuu ka hadlo Alshabaab iyo sidii dalka looga xorayn lahaa? Ma Alshabaab baa dawladnimada Soomaaliya inay hano qaado ku hor gudban mise Siyaasi xaq u leh inuu dhaliilo haddii daldaloolo jiraan?
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay Qalinka iska dhigaan oo Qoriga qaadaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri mar uu dhalinyarada ugu baaqay inay Waxbarashada iska tuyraan oo Qoriga qaadaan “Waxaa noo balan ah inaad dalkaan xoreysaan, inaad qalinka dhigtaan oo aad gacmaha isqabsataan oo aad doorkiina ka xoreynta cadowga ah qaadataan”.
Madaxweynaha ayaa si lala yaabo u isticmaalay halhays ay Soomaalidu u isyicmaasho ka shaqaynta nabadda kaasoo ah “Qoriga iska dhig oo Qalinka qaado” maadaama ay dhalinyarada yihiin waxa colaadda loo isticmaalayo.
Caawa Madaxweyne Farmaajo wuxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay Buugga/Qalibka iska tuuraan oo Qoriga qaadaan, CAJIIB MADAXWEYNUHU DALKA XAGGEE KU HOGAAMINAYAA?