Sawirro: Gudoomiyaha Degmada Bursaalax oo la shiray Odoyaasha deegaanka
13 Nov 2017 (Puntlandes) Gudoomiyaha Degmada Bursaalax Dr Maxamed Saleebaan Diiriye ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 12ka nov 2017 la shiray waxgaradka & Nabadoonada magaalada Bursaalax, isagoo kala hadlay sidii loo taabagalin lahaa maamulka cusub ee Degmada.
Shirka maamulka iyo odayaasha deegaanka ayaa sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes kusoo dhamaday guul iyo wanaag, iyadoo lagu balamay wadashayn dhab ah iyo ka shaqaynta horumarinta Degmada Bursaalax.
Gudoomiye Dr Maxamed Saleebaan oo bishii hore 27keedii madaxweynaha dawaldda Puntland uu u magacaabay Gudoomiyahii ugu horeeyey ee ay yeelato Degmada Bursaalax lana wareegay xilka 6dii bishan ayaa ka wada Degmada shirar isdaba joog ah oo ku taabagelinayo yagleelida maamul wanaag, horumarinta Degmada iyo isku xirka shacabka Degmada.