Daawo sawirada Garaad Kulmiye oo JigJiga kusoo dhaweeyey Wafdi uu hogaaminayo Amiir Maxamuud
13 Nov 2017 (Puntlandes) Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil-Waal oo ah Garaadka guud ee Kuumade(Beesha Absame iyo Adeerkood) ayaa si wayn ugu soo dhoweeyay magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo kasoo kicitimay Magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee Puntland Soomaaliya.
Waxaana soo dhowaynta Garaad Kulmiye oo Qado sharaf ahayd ka qayb galay Isimo badan oo kasoo jeeda DDSI.
Amiir Maxamuud oo ka mid ah Isimada Gobolka Doollo ee DDSI ilaa xeebta fog ee Gobolka Mudug Puntland Soomaaliya, ayaa hada waxa uu booqasho kusoo gaaray Caasimada DDSI isagoo safar dheer oo dhanka lugta ah ku yimid halkaas.
Amiir Maxamuud ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta ehelnimo ee uu ,Garaadka guud, Garaad Kulmiye u sameeyey, wuxuuna kaloo u mahadnaqay dhammaan Isimadii kasoo qayb galay soo dhawayntaas.
Garaad Kulmiye ayaa kusoo dhaweeyey Amiirka Jigjiga magaalada Jigjiga, waxa uuna uga warbixiyey horumarka ka socda DDSI ee uu ku hogaamiyey madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ee dhan walba leh.