Sawirro: Gudoomiyaha Degmada Bursaalax oo la shiray ururada Bulshada Rayidka ee deegaanka
13 Nov 2017 (Puntlandes) Gudoomiyaha Degmada Bursaalax Dr Maxamed Saleebaan Diiriye ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13ka nov 2017 la shiray shiray ururada Bulshada Rayidka ee magaalada Bursaalax, isagoo kala hadlay nabadgalyada iyo sidii loo taabagalin lahaa maamulka cusub ee Degmada.
Gudoomiye Dr Maxamed ayaa shir ballaaran oo taariikhi ah la yeeshay Bulshada Rayidka sida ururada Haweenka, Dhalinyarada, Isboortiga wuxuuna shirkaas diirada ku saat´ray Gudoiomiyuhu ka shaqaynta Nabadgelyada, horumarka Degmada, Iskaashi iyo waxwadaqabsi.
Shirka maamulka iyo ururada Bulshada Rayidka ayaa waxaa ka horeeyey shir uu Gudoomiyuhu la yeeshay shalay odayaasha deegaanka, halkan ka akhriso, oo sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes kusoo dhamaday guul iyo wanaag, iyadoo lagu balamay wadashayn iyo in garab istaago maamulka cusub ee Degmada.