Daawo Video: Gudoomiyaha Golaha GuurtidaSomaliland ”Prof nin Mucaarid ah maaha”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inaanay Xukuumada Somaliland Wada hadal la Prof Cali Khaliif Galayr iyo maamulkiisa.

Gudoomiye Saleebaan oo ka jawaabaya dalab ka yimid Prof Galayr oo ahaa in uu diyaar u yahay in uu wadohadal la furo Somaliland ayaa Nasiib Daro Ku tilmaamay in Cali Khaliif isagoo soo noqday Raysal Wasaare dib iskugu Celiyo Hogaamiye Beeleed.

Gudoomiye Saleebaan ayaa yiri isagoo hadalka sii wata “Maxaanu Cali Khaliif Galaydh kuwada Hadli, Anigu Garan Mayno waxaanu kuwada hadalno, reer somaliland weeye Cali Khaliif Nin Mucaarid ah Maaha, Jabhadna Wuu sheegtay nin dawlada somaliya Raysal Wasaare ka gaadhay ismaan lahayn Reer Ayuu hoos ugu soo noqonayaa, Reerna Madax Ayaan u ahay Anigu libin uma Arko.
Daawo Videoga

Puntlandes.com

About The Author