Wasiirkii Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Oo Xilkii Iska Casishey
15 Nov 2017 (Puntlandes) Wasiirkii gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa xilkii iska casishay sida ay xaqiijisay.
Warar lagu kalsoon ayahay ayaa sheegaya in icasilaadda wasiirka uu sabab u yahay musuq-maasuq lagu sameeyay gargaarkii loogu talagalay dadkii ku dhamaaday qaraxii 14-kii bishii hore ka dhacay Ex Isgoyskii Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Waa Wasiirkii Labaad oo mudo bil ku dhawaad ah shaqada iska casila Xukuumadd Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre kadib icasiladii wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya C/rashiid C/laahi Maxamed.
Puntlandes.com